Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya waxaa iminka ka socota Munaasabad lagu xusayo Afgembigii dhicisoobay ee 15 Bishii July Sanadii la soo dhaafay ee 2016,ka ka dhacay dalka Turkiga.
Munaasabada ayaa ka socota Safaarada Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Cabdul Casiis ee Gobolka Banaadir,waxaana ka qeyb galaya Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu Casuumay.
Inta ay munaasabadda socoto ayaa waxaa la filayaa in ay hadalo kala duwan oo ku saabsan Afgembigii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi turiga ay ka jeediyaan masuuliyiin ka kala socota dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turgiga oo Munaasabaddaas ku sugan.
15 Bishii July Sanadii 2016,ka ayaa waxaa dalka turkiga ka bilaawday Afgembi ay wadeen qaar ka mid ah masuuliyiinta dalkaas kaas oo fashilmay basle waxaa xusid mudan in Soomaaliya laga raacdeeyay Hay’addo badan oo uu madax u ahaa Farxullaah Gulen oo la aaminsan yahay in uu ka dambeeyay Afgembiga fashilmay xiligaas oo uu Madaxweyne Soomaaliya ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.