Munaasabad lagu xusayo 53 Guuradii ka soo wareegtay markii la’aas aasay Ciidanka Badda Soomaaliya aya haatan ka socota Gudaha Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxa ku sugan oo ka qeybgalaya masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo inta badan Saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Safiiro ka socda Wadamada taageera Soomaaliya.
Taliyaha Ciidamada Xogga dalka Soomaaliya Janaraal Cabduweli Jaamac Gorod oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in aysan suurtagal aheyn in la yiraahdo dowladnimo ayaan u baahanahay balse ma ilaashan karno badeena.
Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay ilaalinta badeena iyo in aan xooga saarno dhismaha iyo xoojinta Ciidamada Badda Soomaaliya.
Munaasabadda oo weli socota ayaa waxaa khudbao ka jeedin doona masuuliyiin kale oo ku sugan goobta ay munaasabaa ka socoto.
Ciidamada Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya waxaana la aasaasay 10-kii bishii febaraayo 1965kii, waxayna ka mid yihiin yihiin ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.
Goorhow la socda Sawirrada Munaasabadda.