in ka badan kun Ergo oo ka kala timid 126 Waddan, ayaa ka qeybgalay maanta xaflada caleema saarka madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isugu jiray Madaxweynayaal, Madaxweyne-ku-xigeeno, Ra’isul-wasaaro, Wasiiro iyo Diplomaasiyiin kale kuwaasi oo munaasabada ka jeediyey khudbado inta badan loogu hambalyeeynayey madaxweynaha cusub Farmaajo iyo madaxweynihii hore oo looga mahadcelinayey sida wanaagsan oo uu uwareejiyey Xilka.
Madaxweynha Kenya Uhurakenyatta,madaxweynha Jabuuti Ismaciil Cumar Geele,Ra’isul wasaaraha itoobiya Hailamariam Desalengn, iyo wakiilo kale ayaa ka hadlay madasha waxaana dhamaantood ay tilmaameen in wanaag iyo hormar uu kajira Soomaaliya.
Madaxweynhii dowladii kmg Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo ka qeybgalay munaasabada waxaa uu shegay dhankiisa inuu jiro hormar weyn islamaarkaana dalka uu kusocdo dhabihii guusha waxaa uu xusay in loo baahanyahay in hore loo siisocdo.
Madaxweynihii hore ee dowlada Xassan Sheikh Maxamuud oo ka hadlay Caleema Saarka madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheeagy in loo baahanyahay in laga shaqeeyo hormarka dalka waxaa uu ka digay mucaaradnimo iyo in laga horyimaado dowladda cusub isagoo ku taliyey in lagu taageero wanaaga sii loo gaaro halka ugu sareysa ee la hiigsanayo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo oo Khudbadii ugu danbeysa ka jeediyey munaasabada caleema saarkiisa ayaa ka hadlay qodobo muhiim ah waxaa uu marka hore mahad celin ballaaran ujeediyey ka qeybgalayaasha iyo bulshada soomaaliyeed oo uu kaga mahadnaqay wanaaga iyo taageerada ay uhayaan dowladiisa.
Waxaa uu Tilmaamay Farmaajo in soomaaliya ay kamid tahay dalalka sida hufnaanta loogu tartamo doorashada islamaarkaana laga soo gudbay dhibaatooyin badan oo ka jiray dalka.
Nuxurka khudbadiisa waxaa uu balan qaaday inuu soo celin doono sharafka,iyo karaamada soomaaliya islamarkaana uu wax ka qaban doono amni xumida ka jirta dalka ,dhibaatooyinka laxriira bani’aadanimada sida abaaraha uu sheegay in loo baahanyahay in degdeg wax looga qabto si loo badbaadiyo nolosha dad badan waxaakaloo uu xusay inuu ku dadaali doono dib usoo celinta kalsoonida shacabka,kobaca dhaqaalaha’iyo kordhinta dhaqaalaha dowladda.
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad dheer ka jeediyey munaasabada maanta ee lagu caleema saarayey waxaa uu mahadcelin ujeediyey madaxda dalalka ciiddama ay ka joogaan soomaaliya oo uu qiray inay dadaal badan ugaleen dalka iyo Dadka oo is garab istaageen shacabka iyo dowladda.
Gabagabada khudbada Farmaajo waxaa fariin culus uu udiray Al-shabaab oo uu sheegay inay hor-istaagi karin hormarka dalka oo ay dadku yihiin kuwo isku xiran waxaana uu ugu baaqay dhalinyarada wali ka bar bar dagaalameysa shabaab oo uu xusay in la qalday inay isaga soo baxaan una balan qaaday inay Dowladiisa soo dhaweyn doonto .