Munaasabad lagu xusayo xiligii la’aas aasay Ciidamada Badda  iyo difaaca Xeebaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in Maanta lagu qabto Gudaha Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda ayaa waxaa ka qeybgeli doono Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya,waxaana haatan laga dareemayaa Muqdisho qaban qaabada munaasabadaas.
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye gaas C/wali Jaamac Gorod ayaa u hambalyeyey  Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed oo Maalinta barri u dabaal degaya Sanadguurada 53aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi oo ah  10-02-1965-kii.
“waxaan u Hambalyeynayaa  Admiraalada, Saraakiisha, Saraakiil xigeennada, dableyda, Alifleyda Ciidanka Badda iyo difaaca Xeebaha Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Sanadguurada 53aad ee Ciidanka badda ku beegan†ayuu yiri S/guud Bashiir
Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha ee xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa si la aas-aasay 10-kii bishii February sanadkii 1965-ki, waxaana Munaasabad barri ay ku xusayaan sanadguuradooda la filayaa inay ka qeyb geli doonaan Madaxda sare ee dalka iyo Saraakiisha Ciidammada qalabka sida ee Soomaaliyeed.