Ku-dhawaad boqol maalmood oo ay xirnaayeen Duulimaadyada gudaha dalka ayaa Maanta si rasmi ah dib loogu furay ka dib saameyntii Cudurka safmarka ah ee CIVOD-19 oo yaraatay.
Munaasabad kooban oo haatan ka socota gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa lagu maamuusayaa in dib loo furo Garoonka iyadoo ay goob Joog ka yihiin Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Maareeyaha hay’aadda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali uu jiro halista cudurka Karoona Feyrus.
Golaha Wasiirka xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee Khamiislaha ah ku ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo hore loogu hakiyay si loo yareeyo faafitaanka cudurka COVID19.
Dowladda Soomaaliya ayaa 29 bisha sedexaad ee sanadkaan 2020 hakisay sabab la xariiira cudurka safmarka ah ee Covid19.