Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlada Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa joojiyay Munaasabad qado Sharaf ah oo halkaas lagu qaban lahaa.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Munaasabadda ay aheyd mid lagu soo dhaweeynayay 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna Waljameeca laga siiyay Baarlamaanka Cusub ee Galmudug ee maalmo kahor lasoo Bandhigay.
Amarka lagu joojinyayo Munaasabadda ayaa waxaa la gaarsiiyay dadkii qaban-qaabinayay Munaasabadda oo lagu waday in saacadaha soo socda ka dhacdo Magaalada Dhuusamareeb.
Ciidamada amniga dowladda ee halkaas ku sugan ayaa kal hore soo saaray Amar ah in gudaha Dhuusamareeb aan lagu qaban karin Shirar ama Munaasabado aysan ogeyn dowladda Federaalka.
Si kastaba Joojinta Munaasabaddan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo Ahlusunna Waljameeca ay qaadaceen Shuruudaha kamid ah noqoshada Xildhibaanada Cusub ee Galmudug oo xalay ay soo saareen Guddiga Doorashada Galmudug.