Dagaalamayaasha Garabka Hubeysan ee Kataa’ib Cisadiin Qasaam ee Mukhaawamadda Falastiin waxay soo bandhigeen Muuqaal muujinaya weerar gaadmo ah oo ay ku dileen 3 Askari oo Yuhuud ah oo la socotay Gaari Jiib ah.
Warbaahinta Mukhaawamadda Falastiin ee GASA AL’AAN ama GASA NOW ayaa qortay inay Gantaal la helaan Gaarigaasi, oo marayey Bariga magaalladda Beytu-xanuun ee Marinka Qasa, kuna dileen 3 Askari oo Yuhuud ahaa.
Dhinaca kale, Ilo ka tirsan Ammaanka Yuhuudda ayaa qiray in laga gubay gaari Jiib ah iyo inay waxyeello soo gaartay Askartii la socotay.
Mukhaawamadda waxay kaloo gubeen gaari kale oo Bas ah oo ay la socdeen Askar Yuhuud ah, kaasi oo gebbi ahaantiisa la gubay.
Sidoo kale, Kooxaha Mukhaawamadda Falastiin waxay duqeyn la beegsadeen bas ay la socdeen Askar Yuhuud iyo qoysaskooda , waxaana Muuqaal la baahiyey laga arkayey dadka la socday Baska oo Catow iyo Qeylo isku daray iyo Gantaal ku dhacay agagaarkooda.
Xiisadda u dhexeysa Mukhaawamadda Falastiin iyo Askarta Yuhuudda ayaa gaartay meeshii ugu xumayd, waxayna Mukhaawamadda kordhiyeen duqeymaha ay la begsanayaan magaallooyinka iyo Degmooyinka ku yaalla Koonfurta Yuhuudda.