Muhaajiriintii ay u suurto-gashay inay ka soo baxsadaan Ma-gefayaasha Liibiya bishii hore ee May 23-ka ayaa la sheegay in loo gudbiyey Xarun si rasmi ah loogu hayo dadka Tahriibayaasha ee ku sugan dalkaasi.
Muhaajiriintaasi oo tiradooda dhan tahay 140 qof una kala dhashay Somalia, Eriteria iyo Ethiopia ayaa la dejiyey Xarunta dadka lagu hayo ee Degmadda Qasri Bin Qashiir oo 28 KM dhanka Koonfurta kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Afhayeenka Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga (UNHCR), William Spindler waxa u usheegay in Muhaajiriinta soo baxsatay sheegeen in loo geysan jirey Jir-dil baahsan, isla markaana qaarkooda afduub loo haystay ilaa 3 sanno.
Afhayeenka oo Weriyayaasha kula hadlay Xarunta Dhexe ee UNHCR ee magaalladad Geneva ee dalka Switzerland waxa uu xusay inay dadkaasi ku jiraan carruur keligooda socday, kuwqaasi oo ay suurto-gal tahay In ehelkii la socday ay weli gacanta ugu jiraan Ma-gefayaasha ama ay dhuumaalaysi ku jiraan.
Afhayeenka UNHCR, William Spindler waxa uu sheegay inay Muhajiriinta soo baxsatay u fidiyeen taageero dhinaca Maskixiyan, isla markaana ay diiwaan-geliyeen kuwa u baahan Magangelyo Caalami ah.
Waxa uu intaasi ku daray inay Hay’adda UNHCR haatan ku guda-jirto sii loo aqoonsan lahaa Kiisaska aadka u daran, si xal loogu helo, wuxuuna dalalka Calaamka ugu baaqay inay dedejiyaan Qaabilaadda Qaxootiga ku go’doonsan gudaha Libya.
Si kastaba ha ahaatee, ilaa 200 oo Tahriibayaal ka soo kala jeeda Somalia, Eritrea iyo Ethiopia ayaey u suurto-gashay inay bishii hore ee May 23-dii ka soo baxsadaan Kooxihii Liibiyaanka ee madax-furashada ugu haystay Degmadda Bani Waliid oo 180 KM dhanka K/bari kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Ugu yaraan 15-Muhaajiriin oo ka mid ah kuwii ka soo baxsaday Ma-gefayaasha ayaa la dilay, halka 25-kale oo la dhaawacay la dhigay Isbitaalka Bani Waliid.