Mahendra Ahirwa waa 18 jir u dhashay dalka Hindiya, wuxuu ku soo nolol qaatay isagoo qoortiisa hadba dhinac u liicayso ilaa xagal dhan 180-digirii (A a 180-degree angle).
Xanuunkiisa ayaa ah Xaallad mar-la-arag ah oo aan ku badnayn Caalamka.
Bulshadda Caalamka waxay ka argagaxeen markii sawirkiisa lagu baahiyey Warbaahinadda Caalamka, waxaana arrintiisa ka danqatay Hooyo u dhalatay dalka Britain, taasi oo dadaal u gashay sidii lagu heli lahaa Kharajkii sahli lahaa in Wiilkaas dhiban loogu samayn lahaa Qaliin Casri ah.
Julie Jones oo ka soo jeeda magaalladda Liverpool waxay Qaaraan ahaan u soo ururisay lacag dhan 12,000 oo Giniga Istarliinka Britain (£12,000), iyadoo lagu guuleystay qaliink lagu sameeyey Mahendra Ahirwa.
Inta aan qaliinka lagu samaynin, Wiilka hooyadiisa oo lagu magacaabo Sumitra oo 36-jir ayaa sheegtay inay fiicnaan lahayd inuu wiilkeeda geeriyoodo haddii lagu guul-daraysto Qaliinka.
Waxay sheegtay inuu Wiilkeeda maalin kasta iska fariisto qolka geeskiisa, isl markaana awoodi Karin inuu iskiisa wax u qabsado.
“Waa inaan sidii wiil yar oo kale u xambaartaa meel kasta. Sideen u xambaari doonaa marka uu weynaado. Haddii ay Dhakhaatiirta daaweyn waayaan Wiilkayga waxaa fiican inuu Rabbi iga qaado†ayey ku calaacashay.
Qisadda xanuunka badan ee Mahendra waxaa Filim ahaan looga daawaday Telefishinka Channel 5 ee dalka Britain.
Julie Jones oo 35 jir ahana Isku-duwaha Dugsiga Sare ee Fazakerley High School ee magaalladda Liverpool, horeyna u ahayd Shaqaale wax taageera ayaa tiri: “Waxaan qoddobkaasi akhristay muddo haatan laga joogo ku-dhawaad hal sanno, waxaana dareemay Caloolyowâ€.
Wxaay sheegtay in qoyska wiilkaasi codsadeen gaari-gacan, qalabka Luqunta lagu xiro iyo wax kasta oo lagu taageeri karo wiilkaasi.
Dr. Rajagopalan Krishman oo u qaabilsan Qaliinka waxay waqtigeeda si lacag la’aan ah wax uga qabatay Wiilka bishi iMarch ee sannadkan, waxayna sheegtay in la dhisayo lafo xoojiya, isla markaana taageera qoorta.
Xigasho: Mirror.co.uk
©Radio Dalsan