Sabtidii la soo dhaafay oo ay bishan January ahayd 21-ka, waxaa dalka Hindiya ku dhashay ilmo yar oo leh 4 lugood iyo 2 xubin Hab-dhiska ragganimada
Waalidkiisa waxay ku sheegeen Wiilkooda  yar inuu yahay Haddiyad Rabbi, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Waxa uu ku dhashay Xarunta Caafimaadka Asaasiga ee Degmadda Raichur ee Gobalka Karnataka ee Koonfurta dalka Hindiya.
Waalidka ilmahaasi oo lagu kala magacaabo Laltiamma oo 23-jir ah iyo Chennabasava oo 26 jir ah ayaa degan Tuulo ku dhow Puldinni.
Dhakhaatiirta Qaliinka ee Machadka at the Vijayanagara Institute of Medical Sciences (VIMS) ee Degmadda Ballari ayaa sheegay inay Waalidiinta oggolaadeen in ilmaha yar lagu sameeyo Qaliin.
Dhakhaatiirta waxay eedayaan haddii ay awoodaan inay ka saaraan xubnaha dheeraadka ee labada Lugood iyo xubinta Taranka ee uu Wiilkaasi ku dhashay.
Laakiin qoyska oo sabool ah ayaa ka cabsi qaba inaysan awoodin inay bixiyaan Kharajka Daaweynta.
Hooyada wiilka waxay oggolaatay Daaweynta, kadib, markii ay wada hadleen Shaqaalaha Caafimaadka iyo xubno ka tirsan Qoyskeeda, waxayna rajeysay inuu Wiilkeeda caadi noqon doono.
Dhowr isbuuc ka hor, Waalidiin Hindi ayaa waxaa Isbitaal ku yaalla Degmadda Poshina ugu dhashay cunugoodii Lixaad, kaasi oo ku dhashay labo lugo oo dheeraad ah.
Waxa kale oo uu ku dhashay Labo cawro (rag iyo dumar).
Dhakhaatiirta waxay rumeysan yihiin inay Qaliin kaga jari karaan Lugaha dheeraadka ah, lana sixi karo hab-dhiska Taranka, oo qaabka ay Waalidka oggolaadaan uga dhigi doonaan.
Balse, Waalidiinta weli ma go’aansanin haddii ilmahooda qaliin lagu samayn doono.
Waxaa Turjumay: Ustaad Ahmed Hagi Ugaaska.
©Radio Dalsan