Gantaaladaasi oo ah nooca Balaastikadda ayaa waxaa saakayto  lagu tijaabiyey Xeebta Gobalka Hwangju ee W/galbeed ee dalkaasi.
Wakaalladda Wararka ee dalka kale ee Koonfurta Kuurya ee Yonhap News Agency ayaa sheegtay inay Waqooyiga Kuurya tijaabiyeen 3 Gantaal oo u muuqaal ekaa Gantaalladda Iskaadka, kuwaasi oo wax duqeyn kara masaafo u dhexeysa 500 ilaa 600 Kiilomitir.
Tijaabadda Gantaaladaasi ayaa waxay ku soo beegmeen maalmo kadib, markii ay Dowladaha Koonfurta Kuurya iyo Maraykanka ku dhawaaqeen Go’aankooda ugu dambeeyey ee Nidaamka Lidka Gantaalladda ee THAAD loogu rakibi lahaa dalka Koonfurta Kuurya, si looga hortago cabsida laga qabo weeraroka yimaada Milliteriga Waqooyiga Kuurya.
©Radio Dalsan