Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Harjit Sajan ayaa sheegay inay Ciiddankooda muddo 3 bilood ah ugu kordhiyeen Hwlgalkaasi ee qeybta ka ah Isbahaysiga Caalamiga ee ay Maraykanka hoggaamiyaan.
Tan iyo markii Milliteriga Kanada loo daad-gureeyey dalka Iraq sannadkii 2014-kii, waxay Dowladda Kanada labo jeer xilliga u kordhisay Ciiddankooda muddo hal sanno ah.
Milliteriga Kanada waxay Diyaaradahooda Dagaalka ee F18 kala soo baxeen Hawlgalakasi bishii February ee sannadkii hore, iyadoo Diyaaradaha Shidaalka hawada ku siiya Diyaaradaha kale iyo kuwa Sirdoonka weli qeyb ka yihiin Hawlgalkaasi.
©Radio Dalsan