Martin Doresman oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Milkiilayaasha Maraakiibta ee dalalka Europe (ECSA) ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Go’aankii ay Golaha Europe ku gaareen in Hawlgalka Ciiddanka Badda EU-da (ATALANTA) ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka wada Xeebaha Somalia, iyadoo xilliga Hawlgalkaasisocon doono tan iyo inta laga gaaratyo Bisha December 31-da ee sannadka 2020-ka.
Martin Doresman waxa uu tilmaamay in Joogitaanka Ciiddanka  Badda ee EU-da iyo kuwa Caalamiga ee Badda Somalia ay  yareynayso falalka ay BVurcad-baddeeda ka wadeen Badda Somalia.
Waxa uu intaasi ku daray in Weeraradii ka dhici jirey Xeebaha somalia iyo Badweynta Hindiya inay hoos u dhaceen, halkii ay sannadkii 2011-kii ka dhaceen 16 Afduub uu sannadkii hore gaaray 9 Weerar oo keliya.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Ururka Milkiilayaasha Maraakiibta ee dalalka Europe (ECSA) waxa uu carrabka ku dhuftay in Wershadaha farsameeya Maraakiibta sii wadi doonaan Iskaashiga ay la leeyihiin Taliyayaasha Ciiddanka Badda Midowga Europ ee EU NAVFORCE si loo hubiyo in Kooxaha Burcad-baddeeda laga wada suuliyo Badda Somalia