Midowga Yurub ayaa kasoo horjeeystay muddo kordhinta labada sanno ee shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka u sameeyeen Hay’addaha dowladda ee waqtiga ka dhammaaday iyo Madaxweye Farmaajo.
Midowga Yurub oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in muddo kordhinta la sameeyay ay khatar weyn ku tahay nabadda, xasiloonida Soomaaliya iyo deriskeeda, iyagoona shraci darro ku tilmaamay.
Sidoo kale Midowga ayaa Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay si deg deg ah ugu laabtan wada hadalada ku saabsan qabsoomida doorashooyinka oo aan dib loo dhigin.
Waxaa ay sidoo kale Madaxda Soomaalida ka dalbadeen in wada-hadalka lagu saleyo heshiiskii Sebtember 17 laga gaaray doorashada, hayeeshee la isku fahmi waayay fulinta heshiiskaa ay horey u gaareen Madaxda.
Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo Amniga ayaa ku hanjabay in haddii wada-hadal dib loogu laaban waayo y ka fiirsan doonaan tallaabooyin dheeri ah oo la taaban karo.