Madaxa Siyaasadda Dibedda ee Ururka Midowga Europe. Federica Mogherini ayaa ugu baaqday Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda inay u midoobaan sidii loola dagaalami lahaa kuwa colaadaha ku haya dadka Soomaalida, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Catherine Ray oo ah Afhayeenka Madaxa Siyaasadda Dibedda ee EU-da auaa sheegay inay Midowga Europe soo dhaweynayaan Shirka Madaxda DFS iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda shalay uga furmay magaalladda Muqdisho.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay in Hoggaamiyayaasha laga doonayo inay nabadda Somalia iyo inay tallaabo ka qaadaan Kooxaha dhibaatada ku haya dadka Soomaaliyeed.
Dhinaca kale, War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay Dowladaha xubnaha ka ah EU-da si wadajir ah u cambaaraynayaan Weerarkii ay Al;shabaab ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalladda Muqdisho.
EU-da waxay kaloo ugu baaqeen Ummadda Soomaaliyeed inay u midoobaan sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Horumar.