Ergadda Midowga Europe u joogta Somalia ayaa sheegtay inay cambaaraynayaan fal kasta oo ka dhan ah QM iyo Hay’addaha Caalamiga.
Qoraal la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Ergadda EU u joogta Somalia ayaa waxaa lagu sheegay inay midnimo la garab taagan yihiin Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM), isla markaana ay si isku mid ah cambaaraynayaan falalka colaadeed ee aan qiimaha lahayn ee looga soo horjeedo QM iyo xubnaha shaqaalaha ee Ururradda Caalamiga.
Qoraalkaasi ayaa waxa uu soo baxay, hal maalin kadib, markii ay shaqaale ka tirsan QM iyo qof Qandaraasle ah ku dhaawacmeen dhowr Hoobiye oo ay Alshabaab shalay la beegsatay Dhismaha Ergadda QM ku leeyihiin Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho.
Xigasho: @EU_in_Somalia