Ururka Midowga Afrika ee AU ayaa ku dhawaaqday inay joojiyeen Xubinnimadda dalka Suudaan. Kadib, markii ay Milliteriga dalkaasi toogasho ku dileen Tobanaan Dibadbaxayaal ah.
Qoraal la soo dhigay Barta Twitterka ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in la joojiyey inay Suudaan qeyb ka noqoto Hawlaha Midowga Afrika, ilaa laga dhisayo Dowlad Rayid oo ah qaabka keliya ee Suudaan kaga bixi karto Xiisadaha ka taagan dalkaasi.
Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay, kadib, markii ay Madaxda Midowga Afrika kulan degdeg ah ku yeesheen magaalladda Addis Abeba.
Qalaalaasha ka aloosan dalka Suudaan waxa u sababay in la dilo ugu yaraan 108 qof, lana dhawaaco in ka badan 500 oo qof.