Madaxweyne Ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Buugga Sahanka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada Puntland.
Buuggan oo ay muddo labo sano ah ka wada shaqeynayeen Wasaaradaha Qorsheynta iyo Caafimaadka, wuxuu soo bandhigayaa xogta caafimaad, sida cudurada ka jira Puntland, talaalada loo hayo, da’aha dadka Puntland, tirada dadka reer guuraaga ah,.
Sidoo kale Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Buugaan Cusub uu soo Bandhigi doono tirada lab iyo dhedig iyo dhammaan xogaha arrimaha Bulshada oo lagu muujiyay boqoley.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa bogaadiyay in la helo Buuggan oo ah kii ugu horeeyay noociisa ee lasoo saaro burburkii kadib, waxaana uu qeyb ka qaadanayaa in qorshaha Dowladda ee waxqabad dhinac walbo lagu jaangooyo baahiyaha iyo xogta buuggan uu xambaarsan-yahay.
Munaasabada lagu daah-furayay Buugga Sahanka Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada Puntland ayaa waxaa ka qeyb Mas’uuliyiin dhowr oo ka tirsan Maamulka, Ajaanib iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.