Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa saakay Aas Qaran loogu sameeyay Allaha u Naxariistee Aadan Macalin Cali,oo ka mid ahaa Xildhibaanada Maamulka Hir-Shabeelle.
Marxuumka ayaa xalay fiidkii ugu geeriyooday Jowhar xanuun sababay in uu wadnaha istaago,waxaana masuuliyiintii ka qeybgalay ka mid ahaa Madaxweynaha Kmg ahna Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Md Cali Guudlaawe Xuseen, Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka, Wasiiro iyo Xildhibaanada Hirshabeelle.
Masuuliyiintii ka qeybgashay Aaska Marxuumka ayaa uga tacsiyeeyay dhamaan Eheladii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday,waxa ayna Alle uga baryeen in uu Naxariistii Janno ka waraabiyo.
Allaha u naxariistee Marxuum Aadan Macalin Cali ayaa Da’diisu waxa aheyd 55-sano jir, wuxuuna hore u soo noqday guddoomiye kuxigeenkii 1aad ee Maamulka Gobolka Hiiraan, isagoona ka mid ahaa xildhibaanada laga soo doortay Gobolka Hiiraan.