Cawad Axmed Cashara oo mar ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaankii KMG,ka ahaa xiligii dowlad Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ku geeriyooday dalka Canada.
Allaha u naxariistee Marxuumka oo sidoo kale mar soo noqday Wasiirka Warfaafinta Puntland kana mid ahaa Was aasayaaahii Maamulkaas.
Qaar ka mid ah Ehelkiisa ayaa xaqiijiyay geeridiisa, waxayna ku sheegeen in uu waayadaan xanuunsanaa.
Sidoo kale  waxa uu ka mid ahaa dadka sida weyn ugu ololeyn jiray Midnimada Soomaaliya.