Allaha u Naxariistee waxaa xalay saqdii dhexe Gudaha Magaalada Muqdisho Ku geeriyooday mid ka mid ah Wariyayasha Idaacadda Vo-da uga warami jiray Magaalada Muqdisho.
Wariye Axmed Xasan Colaad ayaa shalay waxaa ku soo booday xanuun deg deg ah kaas oo sababay in loola cararo Isbitaalka Kulmiye (Ex Somalia Jarmal) oo ku yaalla Degmada Boondheere kaas oo ugu dambeyn xalay ku geeriyooday.
Geerida Wariyihii Idaacadda Voa-da ee Muqdisho Axmed Xasan Colaad ayaa waxaa Dalsan u xaqiijiyay Eheladiisa,waxana uu ifka kaga tegay 4 Caruur ah oo isugu jira laba Wiil iyo laba Gabdhood.
Axmed Xaasn Colaad oo xanuunkiisa ahaa mid deg deg ah ayaa shalay waxa uu Barnaamijkiisii ugu dambeeyay ee faaqidaada todobaadka ka qabtay Idaacadda Voa-da..
Allaha u Naxariistee Axmed Xasan Colaad ayaa mudo dhowr sano ah ka howlgelayay Idaacadda Voa-da,waxna sidoo kale uu ka mid ahaa Wariyaashii ka soo Shaqeeyay Idaacadii burburtay ee Horn Afriik.