Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta kana mid ah Ciidamada Dowladda ayaa Maanta qof Shacab ah waxa uu ku dilay qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magalada Muqdisho.
Dilka ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah Gawaarida Bii’elka ee loo yaqaano Homeyda uu istaagay Xarun Ciidamadu ku leeyihiin Kuliyadii hore ee Jaale Siyaad,isla markaana uu Askari rasaaseyay taas oo keentay in mid ka mid ah Shacabkii Gaariga saarnaa ay haleesho halkaasna uu ku geeriyoodo.
Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya oo goobta ku sugnaa ayaa durbaba Gacanta ku dhigay Askarigaas dilka geystay oo doonayey in uu baxsado sida ay Dalsan u sheegeen dad tegay goobta uu falkaasi dilka ah ka dhacay.
Dilalka ay geysanayaan Ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa joogto ah ah gudaha Muqdisho,iyada oo Bil ka hor xili habeen ah uu Askari ka tirsan ciidamada Dowladda uu Darawal Mooto Bajaaj ku dilay meel u dhow Isgoyska Taleex ee degmada Hodan,iyada oo askarigii Gacanta lagu dhigay.
Dhacdadaan weli kama hadlin saraakiisha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.