Wararka aan ka heleyno qeybo ka id ah deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saakay laga helay meydka Wiil dhalinyaro ah oo xalay la dilay.
Meydka ayaa la dhigay meel aan ka fogeyn Saldhiga ciidamada dowladda ee Ceelasha biyaha waxana jirkiisa ka muuqda rasaas xalay lagu dilay.
Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay dalsan ayaa sheegay in ay saakay Waaberigii ku soo baraarugeen Meydka oo goobta yaala balse asyan garaneyn cida ka dambeysa dilka Wiilkaas Dhalinyaarda ah.
Mudo Saacado ah kadib waxaa Goobta yimid oo meydkii ka qaaday Haweeney sheegtay in uu la dhashay oo uu walalkeed yahay,sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Ninka dhalinyarada ah ee la dilay ayaanan la ogeyn illaa hadda sabab rasmi ah oo ka dambeysa dilkiisa,waxana tani ay cabsi ku beertay dadka ku nool halka Meydka Wiilkaas Dhalinyrada ah lagu arkay oo ka tirsan deegaanka Ceelasha Biyaha.
Xiriir aan la sameynay Maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha ayaan noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino dhacdadaas.