Meydkaan ayaa waxaa laga helay Goob Ganacsi oo ku taalla agagaarka Kawaanka Hilibka ee degmada Xamarweyne gobolkan Banaadir.
Goobta Ganacsi ayay qaar ka mid ah dadka ka agdhow Goobtaas ku arkeen Meydka oo karfaneysay taas oo layaab ku noqotay.
Ciidamo ka socda Maamulka degmada Xamarweyne ayaa Goobta tegay,kuwaas oo soo qaaday Meydkii karfaneysnaa iyo Wiil ay dhashay Hooyo laheyd Goobta Ganacsi sida ay Dalsan u sheegeen dad tegay Goobta uu Meydka yaallay.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ay waxan u dhaceyn iyo waxa uu ahaa qofka meydka ah wallow Goobta Ganacsi dadkii lahaa iminka qaarkood Gacanta lagu hayo.