Maydadka 6 qof oo la rumeysan yahay inay Soomaali yihiin ayaa laga helay meel ku dhow goob lagu hayo Duur-joogta oo lagu magacaabo
Tsavo National Park oo Hal Kiilomitir u jirta Waddada weyn ee isku xirta magaallooyinka Nairobi iyo Mombasa
Wargeyska The Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa qoray in ilaalo ka tirsan Ciiddanka Duur-joogta ay heleen maydadkaasi, kadib, markii ay dareemeen ur xun.
Maydadka ayaa la sheegay inaysan wax dhar ah wadanin iyo inaysan wax Dukumenti Aqoonsi ah haysanin.
Sida laga soo xigtay Boliska waxay sheegeen inay u muuqato in maydadka lixda nin ee Soomaalida lagu soo dilay meel kale, isla markaana maydadkooda la soo dhigay goobta laga helay.
Ilo ka tirsan Boliska Kenya oo booqday goobta lagu arkay maydadkaasi ayaa waxay u sheegeen Wargeyska The Nation inay maydadka u muuqdeen dhallinyaro asal ahaan Soomaali ka soo jeeda.
Maydadka ayaa la sheegay in la dhigay qeybta lagu kaydiyo maydadka ee Isbitaalka Makindu, si baaritaan loogu sameeyo, loona aqoonsado dhalashadooda.
Warar ayaa sheegaya in maydadka la gubay, laguna soo tuuray goob bulaacad ah oo ku taalla halka laga helay maydadkaasi.
Taliyaha Boliska Gobalka Makueni ee Bariga Kenya, Maxamed Maalim waxa uu ugu baaqay qof kasta oo ehel la ah Marxuumintaasi inay soo wargeliyaan Isbitalka la dhigay maydadka.
Waxa uu tilmaamay inay Boliska fureen faylka baaritaanka Kiiskaasi.
Xigasho: Nation, Kenya