Qabanqaabadda Aaska 49-kii Marxuum ee shalay lagu dilay toogashadii ka dhacday 2 Masjid oo ku yaalla magaalladda Christchurch ayaa la bilaabay in maanta la aaso.  Boqolaal qof oo tiiraayeysan ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Munaasabadda Aska qeybtii ugu horreysay Marxuumintaasi.
Inta badan Marxuuminta ayaa ka soo kala jeeda dalalka Bariga dhexe, Geeska Afrika iyo Qaaradda Asia, iyadoo Marxuumkii 1-aad ee magaciisa la shaaciyo uu u dhashay dalka Afganistan.
Xaaji Daa’uud Nabi oo isagoo magangelyo-doon ah soo galay dalka New Zealand sannadkii 1977-kii ayaa ka mid ahaa Marxuumintii shalay lagu dilay weerarka ka dhacay Masjidka ku yaalla Christchurch.
Mid ka mid ah carruurtiisa oo lagu magacaabo Yama Xaaji Daa’ud ayaa sheegay in Aabihiisa oo u degdegayey Salaadda Jimcaha ayuu la kulmay Toogasho ka socotay Masjidka gudihiisa, taasi oo keentay inuu ka mid noqdo Muslimiintii ku shahiiday weerarkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Boliska dalka New Zealand weli si rasmi ahaan uma aysan shaacinin magacyadda 49-ka Marxuum ee lagu dilay toogashadaasi iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan.