Saxafiyadaasi oo la oran jirey Kaarla Turkiyoos ayaa la sheegay in maydkeeda laga helay waddo dhinaceeda oo ku taalla duleedka Degmadda Santa Rosa Gujaipilin oo 100-KM dhanka Waqooyi kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee San Salvador.
Saxafiyadaasi oo 33-jir ahayd waxaa maydkeeda aqoonsaday Ninkeeda, sida lagu qoray Wargeyska La Prensa Garafiika oo ay Sxaafiyadda u shaqeyn jirtey.
Dhinaca kale, Madaxweynaha dalkaasi, SANJEES KEREEN waxa uu ku amray Hay’addaha Ammaanka inay soo qabtaan Dembiilayaashii ka dambeeyey dilka Saxafiyadaasi.