Boliska dalkaasi ayaa sheegay inay wadaan baaritaan lagu ogaanayo dilkii Madaxii Waaxda Qunsulliyadda ee Safaaradda Raashiya ku leedahay dalka Giriigga.
Diplomaasiga la dilay oo la oran jirey Andarey Malanin waxaa maydkiisa laga helay Suuliga dabaqii uu la dgeanaa xubin kale oo ka tirsan shaqaalaha Safaaradda.
Boliska waxay tilmaameen in Diplomaasigaasi oo 55-jir ahaa aysan ka muuqanin astaamo muujinaya in la jir-dilay ama in si kale loo khaarijiyey.
Geerida Diplomaasigaasi ayaa ka timid 3 isbuuc kadib, markii Safiirka Raashiya u joogay Turkiga, Andarey Karloof lagu dilay Bandhig-sawireed lagu qabtay caasimadda dalkaasi ee Ankara.
Boliska Turkiga ayaa la sheegay inay toogteen ninkii geystay Toogashadaasi oo la oran jirey Meflut Mert Altintas.
©Radio Dalsan