Hay’adda Samafalka Dhakhaatiirta aan Xuduudka Lahayn (MSF) ayaa sheegtay in la helay maydadka 21 Haween iyo hal nin, kuwaasi oo la socday dooni ku soo caarisay Xeebaha Libya, saacado kadib, markii ay Tahriibayaashaasi ka shiraacdeen Libya.
Maydadkaasi ayaa laga helay qeybta hoose ee Doonida,iyagoo ku dhex jiray goob uu shidaal daadsanaa.
Dhinaca kale, Markab ilaalo ah oo ay leedahay Hay’adda MSF ayaa soo badbaadiyey 209 qof oo la socday labo dooni oo maraysay Bartamaha Badda Mediterranean Sea.
Tahriibayaasha la badbaadiyey oo u badnaa kuwo ka soo jeeda dalalka Galbeedka Afrika, sida Nigeria iyo Gini ayaa la filayaa inay berri oo Jimco ah gaaraan Dekedda magaalladda Trapani ee Jesiiradda Sishilis ee dalka Talyaaniga.
Tan iyo maalintii Talaadada ee la soo dhaafay waxay Ciiddanka Ilaaladda XeebahaTalyaaniga soo badbaadiyeen in ka badan 2,500 oo Tahriibayaal oo 00 oo ka mid ah la soo badbaadiyey shalay oo Arbaco ahayd.
©Radio Dalsan