Dhacdo laga argagaxo ayaa lagu soo waramay in lagu dilay Marxuumiintaasi, xilli ay ku jireen gudha Masjidka Khaled bin al-Walid oo ku yaalla Degmadda Cubayd Sabca ee Gobalka Siidi Bel Cabaas ee dalkaasi.
Allaha U Naxariisto Marxuumintaasi ayaa la dilay ka hor Salaaadii subax ee shalay oo ku beegnayd (Bishan Ramadaan 5-dii ee sannadka 1439-ka Hijiriyah).
Wakaalladda Wararka Algeria ayaa ka soo xigatay ilo dhinaca Ammaanka inay Ciiddanka heleen maydadka 2 nin oo kala ahaa Mu’adin 64-jir ah iyo qof 67-jir ah, kuwaasi oo la dilay ka hor inta aan la tukanin Salaadii Subax
Wakaalladdu waxay sheegtay inay socdaan baaritaan lagu ogaanayo Dembiilayaashii ka dambeeyey dilkaasi.
Imaamyada Masaajidda ee dalka Algeria waxay ka cabsadaan in lagu soo weeraro gudaha ama bannaanka Masjidka.
Cabsidan ayaa timid wax ka yar isbuuc, markii ay Imaamyadda ay Dibadbax ka dhigeen Caasimadda dalkaasi ee Algeris, iyagoo codsaday in la sugo Ammaankooda, kadib, markii ay kooxo hubeysan dhowr jeer weeraro ka geystay Masaajidyo ku yaalla dalkaasi