Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa saakay Mar kale xukun Dil ah ku riday Askar ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo Booliska maamulkaas.
Yaasiin Maxamed Aadan oo ka tirsanaa Booliiska Koonfur Galbeed oo racfaan ka qaatay Xukun Maxkamadda Darajada 1aad ku riday ayaa Maxkamada sare Dil ku xukuntay.
Sidoo kale Yaasiin Maxamed ayaa waxaa loo heystaa inuu dil bareera u gaystay marxuum lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Aadan Isaaq Ibraahim.
Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa xukun Dil ah ku riday racfaanle Xuseen Maxamed Cabdinuur oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed,kaasi oo loo haysto Dilka Maxamed Guuloow Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Booliiska.
Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Sarre ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed u fariisatay dhageysiga kiiska rag dilal kala duwan ku eedeysnaa kadib racfaan ay ka qaateen Maxkamadda Ciidamada qeybteeda 60-aad.