Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta laga filayaa inay ku dhawaaqdo go’aankeeda ku aaddan Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedaysan inuu gubay Xaaskiisa oo Xaamilo ah, oo ilaa iyo hadda aan la aasin.
Maxkamadda oo horay u yelatay labo fadhi oo ku aaddan dhageysiga dacwadda eedaysanaha ayaa mar kale ku celisay inay dhageysanayso, go’aanna ay soo saarayso.
Waxaana warqad dhawaan kasoo baxday Maxkamdda Gobolka Banaadirnlagu sheegay in maanta oo arbaca ah Tariikhduna ku began tahay 6-3-2024 ay shaacin doonto go’aankeeda Rasmiga ah.
Qoraalka Maxkamdda ayaa lagu yiri “Maxkamadda iyada oo gudaneyso waajibaadka saaran ee ku xusan qodobada 75, 89 XHCS, waxa ay muddaysay Gal-dacwadeedka ciqaabta ah ee summaddiisu tahay MGB/DCL/147/2024 maalinta arbacada ah ee taariikhud tahay 06/02/2024, saacadduna ay tahay 12:00 duhurnimoâ€
Go’aanka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ah mid si weyn dhegta loogu tagayo oo la wada sugayo, waxaana madasha imaan doona Qareenada difaacaya eedaysanaha iyo Ehelada labada dhinac.