Maxkamadda darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta soo Gaba-gabeeysay dhageysiga Dacwada mid kamid ah raggii Qaraxyada iyo Weerrada ku qaaday Xaruntii Magaalada Gaalkacyo uu ku lahaa Sheekh lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cilmi Yare.
Maxkamadda ayaa kal hore la horgeeyay caddeymo la xiriirka Kiiska lagu eedeeyay Cabdullaahi Cali Aadan, kaasi oo kamid ahaa raggii Qaraxyada iyo Weerrada ku qaaday Xaruntii Magaalada Gaalkacyo uu ku lahaa Cabdiweli Cilmi Yare.
Xeer ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada ayaa waxaa uu sheegay in Cabdullaahi uu si toos ah u dilay Askari ka tirsanaa Ciidamo gurmad ah oo doonayay in xiligaas weerar socday soo Afjaraan.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha ayaa Maxkamadda ka dalbaday in eedeeysane Cabdullaahi Cali lagu rido xukun Dil toogasho ah.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Maxkamadda, isagoona sheegay in Kiiska Ninkaas ay Maxkamadda Go’aan kasoo saari doonto.
Si kastaba Weerar isugu jiray Qaraxyo iyo mid toos ah ayaa waxaa lagu qaaday Xarun ku taallay Koonfur Magaalada Gaalkacyo, isla markaan uu ahaa Sheekh lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cilmi Yare, iyadoo halkaas lagu dilay dad badan iyo Sheekh Cabdiweli.