Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta u fariisatay Maxkamdeenta eedeysanayaal la sheegay in ay ka tirsan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana kuwaasi oo maanta lasoo taagay Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida.
Labada eedeysane ayaa lagu kala magacaaba Cumar Aadan Maxamed iyo Cabdulle Axmed Muuddeey, waxaana lagu eedeyay in ay dilal kala duwan ka fuliyeen Madaalada Muqdisho, iyagoo lagu soo eedeeyay in degmooyinka Dharkenley iyo Wadajir ay ku kala dileen Cabdullaahi Maxamed Hilowle iyo Cali Cabdulle Maxamuud.
Ciidanka ammaanka ayaa ku guuleystay in ay midna dhaawacaan midna Qabtan,iyadoo falkaasi uu dhacay sanadkii hore.
Mid ka mid ah eedeysanayaasha ayaa qirtay in uu dilka gaystay,halka midka kalena uu dafiray dambiga lagu soo eedeyay ee ah in uu ku lug lahaa dilka Marxuuminta  kala ah  Cabdullaahi Maxamed Hilowle iyo Cali Cabdulle Maxamuud.
Guddoomiyaha  Maxamadda darajada Koobaad ee  Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan cali Nuur Shuute ayaa soo xiray fadhiga Dacwadda, waxaana uu sheegay in Maxkamaddu ay go’aan kasoo gaari doonto.