Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay todoba ruux oo lagu soo eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxda Al-Shabaab, halka qaarkood dilal ka geysteen magaalada Boosaaso.
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida ee shanta Gobol Puntland, Gaashaanle Sare Cawil Axmed Faarax oo xukunka dilka ah lagu fuliyay ku dhawaaqay ayaa wuxuuna sheegay in ragan horey xukun dil ah loogu riday, balse maanta lagu fuliyay xukunkooda.
Shan ka mid ah raggaan dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu qabtay magaalada Boosaaso iyagoo hub soo gelinayay, halka mid kamid ah uu ku eedeysnaa dilka 23 qof oo Gaalkacyo lagu dilay waxaana uu sheegay guddoomiyaha maxkamaddu in uu qirtay eedeysanaha, halka kan ninka kale uu dil iyo dhaawac ka geystey Hotel Cagaar weyne ee Gaalkacyo, kaasoo isagoo dhaawac ah lasoo qabtay.
Shanta qof ee qaraxyada lagu qabtey bishii Abril 2017 ayaa magacyadooda lagu kala sheegay
Cabbaas Ibraahim Yare Adam
Ibraahim Maxamed Canshuur
Dhaqane Cabdi Aadan Xasan
Aadan Nuur Aada
Nuur Cabdi Aadan Isaaq
Labada nin ee kale ee dil sugayaasha ahaa ee muddada labada sano ah dilka ku xukunaa ee maanta la diley ayaa magacyadooda lagu sheegay
Cabdulqaadir Maxamed Cali, maxkamaddu waxay sheegtey in uu diley 23 marxuum oo ay ku jiraan masuuliyiin
Cabdixakiin Xasan Xaamud