Maxkamadda ciidamada ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Maxamed Cali Maxamed oo loo haysto dilka askari ka tirsan ilaalada deegaanka xamar iyo ka mid ahaanshiyaha kooxda Daacish.
guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida gaashaanle sare xasan cali nuur shuute oo ku dhawaaqay xukunka Maxamed Cali Maxamed in lagu xukumay dil toogasha ah kadib markii ay soo dhamaatay dhageysiga eedaha loo heysto islamarkaana isagu uu qirtay eedahaas.
Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxa ay ku dhawaaqeysay xukunada shakhsiyaad loo heysto in ay ka tirsanyihiin Alshabaab iyo Daacish kuna ridayay xukuno kala duwan.