Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle oo magiciisa afgarashadu yahay Xamza ayaa loo heystaa kamid ahaanshiyaha Alshabaab gaar ahaan in uu kamid ahaa Ragga sida dhuumaaleysiga u weerarta fariisimaha Ciidamada.
26-kii September 2019Â ayaa laga soo qabtay Baladul-Amiin isaga oo dhaawac ah, waxa ayna ciidamada xoogga ku wareejiyeen ciidamada Amniga oo iyagana la tacaalay dhaawac kasoo gaaray weerar xiligaas Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidanka dowladda.
Ina Cumar Cabdi Dawaale ayaa waayay mid kamid ah lugihiisa oo ay ka fursan waayay howlwadeenada caafimaad in laga jaro.
Garsoorayaasha ayaaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray Cabdiraxmaan Cumar Cabdi Daawle lagu xukumo xabsi daa’in sida uu dhinacyada dacwadda u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanaha ayaa haysta fursad kale oo uu ku dalban karo Rafcaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib.