Muuse Maxamed Axmed ayaa loo heysta kamid ahaanshiyaha dagaalamayaasha Alshabaab iyo farsameynta agabka qarxa sida Bom F1.
Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 14-ka October ayaa ka qabtay eedeysane Muuse Maxamed Axmed Magaalada Marka bilowgii November 2019 isaga oo uga soo safray Janaale, waxa uu watay xilligaas eedeysanaha la qabanayay Caagad lagu soo qariyay Bambo nuuca gacanta F1 oo lagu dhex qariyay raashin iyo nuuc dareeraha kamid ah oo dadka qaarkiis u yaqaanaan Subag.
Intaas kadib ayaa loo soo wareejiyay eedeysanaha magaalada Muqdisho, waxa ayna ciidamada xoogga dalka ku wareejiyeen ciidamada Boliiska gaar ahaan qeybta dambi baarista Boliiska CID.
Ugu dambeyn Maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay waxaana lagu xukumay Muuse Maxamed Axmed 10-sano oo xabsi ciidan ah sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku qaadan karo rafcaan xukunka kadib muddo 30-cisha ah.