Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto falal argagixiso.
Cali Axmed Guure (Qoyane) iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay Dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheikh Cilmi Cawaale Gudoomiyihii degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in.
Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi 19/04/2019.