Maxkamadda Ciidamada Qalabka qeybta 27-aad ayaa Maxamed Ibraahim Axmed ku xukuntay dil toogasha ah kadib markii lagu helay dembi ah in uu qof shacab ah ku dilay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27-aad Dhame Maxamed Cabdulle Aadan Amiin ayaa  Warbaahinta u akhriyay xukunka Maxkamada isaga oo sheegay in falka dilka ah uu ku cadaaday Dable Maxamed Ibraahim Axmed,isla markaana lagu xukumay dil toogasho ah sido kalana  la sii daayay labo askari oo kale,kadib markii dembigii lagu eedeyay lagu wayay.
Saddex askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda ayaa loo heystaa dilka qofka Shacabka ah,iyada oo Maxkamada Ciidamada ay Maanta xukun dil toogasho ah ku ridday mid ka mid ah askartaas.
Maxkamada Ciidanka Qalabka sida ayaa sheegtay in dilkaan uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Beer-gadiid oo hoostaga Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyntii Maxkamada ayaa amartay in la sii daayo Cumar Faarax Indhow,firxad Shariif Axmed oo lagu waayay dambigii loo heystay sida uu madasha ka sheegay Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad Dhame, Maxamed Cabdulle Aadan.