Maxkamada Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka la mabacbaxay Soomaliland ayaa go’aan Maanta ka gaartay kiis dacwadeed loo heestay masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani kuwaas oo mudo Bil iyo 12 Cisho ah ku xirnaa Xabsi ku yaalla Magaaalda Hargeysa.
Masuuliyiintaan Manta Maxkamada la hor geeyay ayaa kala ahaa gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis,waxana ugu dambeen mudo kadib ay Maanta xukun ku riday.
gudoomiyihii Garabka Dhalinyarada WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa Maxkamadu siideysay markii Xeer ilaalintu ay sheegtay in uusan laheyn wax dambi ah laguna waayay, halka  iyo Xoghayihii Ciyaaraha WADDANI Yoonis Axmed Yoonis lagu Xukumay Hal Sano oo Xabsi ah.
Dhinaca kale masuuliyiinta xisbiga WADDANI ayaa iyaguna dhankooda si adag uga hadlay xukunkan kasoo baxay maxkamadda iyaga oo sheegay in xariga Halka sano ah ee lagu riday Yoonis ay ka qaadan doonaan Abiil isla markaana uu yahay mid cadaaladda baal marsan.