Maxkamada darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa Maanta la horkeenay 14 nin oo loo haysto inay katirsan yihiin  Alshabaab,kuwas oo dhawaan ay soo qabteen ciidamada Maamulka Puntland.
Saraakiisha ciidamada Puntland ayaa waxa ay sheegeen in Raggaan  bishii julay ee sanadkaan laga qabtay duleedka magaalada Garowe, iyagoo sheegtay inay u socdeen buuraha Galgala ee gobolka Bari, si ay ugu biiraan Alshabaab.
Taliyihii hore ee qeybta booliska gobolka Nugaal Cabdirashiid Maxamuud Aw-xuseen, ayaa sheegay raggaan inay wateen Saad u badnaa cunto iyo dhar, iyagoo umuuqday rag kusoo talo galay inay galaan safar dheer oo dhulka ah.
Ugu dambeyn Maxkamada ayaa dhageysiga dacwada kadib waxa ay xuriyadooda siisay Saddex ruux oo la sheegay in wax dambi ah lagu waayay halka 11 kale kale Maalinta berito ah lagu balamay in dacwadooda la qaado.