Wararka naga soo gaarayo magaalada Baydhabo ee Koonfur Galbeed ayaa ku waramaya in maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ee Baydhabo saakay ku toogatay 4 ruux oo horey loogu eedeeyey inay qaraxyo ka geysteen gudaha magaaladaas.
Maxakamada ayaa ragaasi ku eedeysay inay ka tisranyihiin Alshaabaab, islamarkaana sheegtay in  lagu helay fal dambiyeedkii lagu soo oogay, oo ay xeer ilaalinta maxkamada tilmaamtay in sanadkii hore 2016-kii qaraxyo dad ay ku dhinteen ka geysteen magaalada Baydhabo.
Toogashada ayaa ka dhacday waxyar ka hore magaalada Baydhabo, waxaana goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida Jen. Liibaan Cali Yarow.
Horey maxkamada ciidamada qalabka sida ayaan sidan oo kale Muqdisho iyo Baydhabo xukun dil toogasho ka fulisay, kadib markii maxkamada la horkeenay rag ku eedeysnaa inay ka tirsanyihiin Ashabaab.