Maxkamad Federl ayaa sheegtay inay dib-u-dhegeysan doonin Rafcaan uu qaatay Maxamed Maxamuud, kaasi oo horey loogu xukumay 30-sanno, kadib, markii lagu helay inuu qarax ka geysan lahaa magaalladda Portland ee Gobalka Oregon bishii November ee sannadkii 2010-kii.
3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda 9-aad ee Maxkamadaha Rafcaanka Maraykanka waxay maalintii Khamiista ee la soo dhaafay laaleen Rafcaan uu soo gudbiyey Eedeysanahaasi.
Maxamed Maxamuud waxa uu yimid Maraykanka isagoo 3-sanno jir ah, wuxuuna helay Muwaadinimadda Maraykanka, waxaana lagu helay inuu Mobayl u adeegsan lahaa sidii uu ku qarxin lahaa Gaari, iyadoo qaraxaasi mid macmal ah oo ay , Â Saraakiil ka tirsan BFBI-da iska dhigeen inay ku taageerayaan Qaraxaasi.
Dhinaca kale, Madaxweyne Donald Trump waxa uu dhawaan diiradda saaray Kiiska Eedeysanaha Maxamed Maxamuud, kadib, markii uu Madaxweynuhu dib-u-eegis ku sameeyey Xayiraadda Socdaalka ee la saaray dadka ka imaanaya Somalia iyo 5 dal oo Muslim ah.
©Radio Dalsan