Maxkamadda Kingston Crown Court ee magaalladda London waxaa la soo taagay Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeynayo inay gubtay Guri ay ka degganayd magaalladda London.
Farxiya Axmed Cali oo ah Hooyo 37-jir haysata 5 carruur ah ayaa la sheegay inay dab qabadsiisay gurigeeda, xilli ay carruurteeda ku jireen gudaha Aqalka.
Qoraal loo gudbiyey Maxkamadda ayaa lagu caddeeyey inay Farxiya Axmed Cali ka dambeysay dabka qabsaday guriga ay ka degganayd Koonfurta London, iyadoo la sheegay inay alwaax iyo warqadaha afka lagu tirtirto u adeegsatay Ololka dabka baabi’iyey gurigeeda.
Garsooraha Maxkamadda Kingston Crown Court ayaa sheegay inuu Falkaasi dhacay, kadib, markii Milkiilaha el guriga uu Farxiya Axmed u gudbiyey qoraal uu kaga codsaday inay guriga ka guuraan.
.
Farxiya Axmed Cali waxay beenisay Eedeyntaasi, wuxuuna Garsooruhu sheegay inay khatar gelisay nolosha Ubadkeeda, iyadoo ay Kooxaha dab damiska ku qaadatay ku-dhawaad 5 saacadood sidii ay u damin lahaayeen Dabkaasi.
Garsoore Peter Lodder ayaa sheegay inay iska caadi tahay in qofkii lagu helo inuu wax Ololiyey uu mudan doono Xabsi.
Dhinaac kale, Dhegeysiga Dacwadda ayaa la sheegay in dib loo dhigay ilaa bisha soo socota ee November 20-da.