Ayaanle Xasan Cali ayaa shalay la so otaagay Maxkamad ku taalla magaalladad Toronto ee dalkaasi, isagoo lagu soo oogay Weerar Tooreey oo ka geystay Xarun Milliteri uu bishii Maarso ee sannadkii 2016-ka.
Maxkamaddu waxay Eedeysanaha ka berri yeeshay inuu xubin ka ahaa Kooxaha Argagixisadda, iyadoo la sheegay inuu Eedeysanuhu yahay qof qaba xanuunka Dhimirka.
Garsoore Iyaan MakDonald ayaa sheegay in Falkii uu Eedeysanuhu galay uusan gaarsiinayn heerka Sharciga Kanada ee Argagixisadda.
Eedeysanaha waxa uu sheegay inuusan gelin saddexdii Dembi ee lagu soo oogay oo kala ahaa: Isku-day dil, haysasho hub iyo inuu dad waxyeello gaarsiiyey.
Eedeysanaha waxa uu bishii Maarso 14-keedii ee sannadkii 2016-kii xoog ku galay Xarun ay Ciiddanka Knaada ku leeyihiin Waqooyiga magaalladda Toronto, halkaasi oo uu Tooreey ku dhawaacay ugu yaraan 2 Askari oo aan labisnayn, iyadoo markii dambe Eedeysanaha loo itaal-sheegtay, lana qabtay.
Qareenadiisa ayaa sheegay inuusan Eedeysanaha wax xiriir ah la lahayn Kooxaha Argagixisadda, isla markaana uu keligiisa geystay weerarkaasi.