Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Msuharax u taagan Xilka madaxweynaha dalka Xasan Sheikha Maxamuud ayaa kulan la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka Danjire Larry E. André.
Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Xasan Sheikh Maxamuud iyo Safiirka ayaa si gaar ah kaga wada hadlay arrimaha doorashooyinka & muhiimmadda taageerada Mareykanka ee soo kabashada Soomaaliya.
“Waxaan kulan la qaatay safiirka Dowladda Mareykanka Danjire Larry E. André. Waxaan isla soo qaadnay arrimaha doorashooyinka & muhiimmadda taageerada Mareykanka ee soo kabashada Soomaaliya†ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh kadib Qoraal uu soo saaray kulanka kadib.