Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan kula qaatay magaalada Gaalkacyo odayaasha dhaqanka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa ku boggaadiyey sida iskutashiga ah ee ay deegaankooda uga difaaceen weerarkii Al-shabaab ay ku soo qaadeen.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ku daydaan dadka Bacaadweyn, loona midoobo dagaalka lagula jiro Al-shabaab, si wadajir ah looga hortego.
Odayaasha Bacaadweyn ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug warbixin ka siiyey xaaladaha nololeed ee deegaanka, waxayna ka codsadeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Galmudug in ay ku garab siiso horumarinta kaabayaasha bulshada.
Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug ayaa waxaa dhawaan ka dhacay dagaal xoogan oo u dhexeeyay dadka deegaanka, Ciidanka dowladda iyo Al-shabaab, kaasi oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhawaac.