Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiska ku qaabilay wefti uu hoggaaminayey Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Malawi Eisenhower Nduwa Mkaka oo safar booqasho ku tegay Magaalada Hargeysa.
Kulanka waxa lagaga wada hadlay  xiriirka Somaliland iyo Jamhuuriyadda Malawi oo isku taariikh ah, oo ay ka wada tirsanaayeen maxmiyadii Ingiriiska oo dhinaca xukumi jirtay, madax-bannaanidoodana ay ka kala qaateen 26-June-1960.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka ay gaareen, isagoo sheegay inay xaq u leeyihiin inay helaan aqoonsi caalami ah, maadaama ay buuxiyeen shuruudihii dawladnimo ee looga baahna.
Wasiirka Aarrimaha dibedda ee Malawi waxa uu madaxweynaha iyo shacabka Somaliland uga mahadnaqay sida loogu soo dhaweyay Magaalada Hargeysa, waxaanu madaxweynaha gaarsiiyay salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Malawi.
Kulankaa waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, arrimaha gudaha, horumarinta maaliyadda, iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah.
Dhinaca weftigana waxa wasiirka ku wehelinaayey la-taliyaha madaxweynaha Malawi, Mr. Martin Tom iyo William Bambi oo ka tirsan waaxda arimaha dibada ee Afrika iyo Bariga Dhexe ee Malawi.
Ugu dambayn Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee Bulshada.