Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Amb. Donald Yamamoto ayaa Maanta Magaalaa Muqdisho ee Caasimada dalka kulan kula qaatay C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo Kamaal Guutaale oo ah Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug.
Labada Musharax iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliy ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay Galmudug gaar ahaan Arrimaha Doorashada la filayan in deegaanada Galmudug ka dhacdo.
War qoraal ah oo kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in C/raxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale iyo Amb. Donald Yamamoto ay kulanka uga hadleen sidii Doorashada Galmudug ay u noqon laheyn mid ku dhacda si hufan oo xor iyo xalaal ah.
“Hay’ado dowladeed oo adag oo adkeysi badan waxaa ay wax ka qaban karaan dhibaatooyinka bani’aadanimo,kana adkaan karaan wax loogu yeero Argagaxisada iyo abuuritaanka nabad, xasilooni iyo barwaaqo ayaa lagu yiri†ayaa lagu yiri War kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.
Si kastaba kulanka ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo C/raxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale ay kasoo horjeedan sida Dowladda Federaalka Soomaaliya u maamuleyso Arrimaha Doorashada Galmudug oo dhawaan inay ka dhacdo Magalada Dhuusamareeb.